Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa meel xun gaaray xiriirka shaqo ee ka dhexeeya Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Ku-xigeenkiisa Maxamed Cumar Carte Qaalib.
Xiriirka labada mas’uul ayaa xumaaday kadib markii Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh uu kalsooni buuxda siiyay Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Carte, sidoo kalane xiriirka u jaray Ra’isul wasaaraha Cumar C/rashiid.
Xiriirka labada mas’uul ayaa sii xumaaday kadib markii Carte uu la wareegay awooda Xafiiska waxa uuna hakiyay dhammaan warqadihii kasoo bixi jiray Xafiiska Cumar C/rashiid ee khuseeyay arrimaha gudaha iyo dibadda.
Ra’isul wasaare Ku-xigeenka Maxamed Cumar Carte, ayaa si buuxda ula wareegay Xafiiska, waxa uuna Madaxweyne Xassan howlahaasi si KMG ah ugu dhiibtay Carte kadib kulan 14-11-2016 ka dhacay Madaxtooyada Somalia.
Xiriir xumida labada Mas’uul ayaa qarka u saaran inay ka dhalato gacan ka hadal, waxaana lasoo warinayaa in arrintaasi uu sabab u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Si kastaba ha ahaatee, Labada mas’uul ayaa si wada jira usoo saara Warqado ay ku kala saxiixan yihiin kuwaa oo si toosa loogu gudbiyo Xafiisyada Dowlada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

