Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta kulankii ugu horeeyay magaalada Muqdisho ku qaadan doona Xildhibaanada labada Aqal ee dhawaan la doortay.
Kulanka Xildhibaanada cusub ayaa ka dhici doona Xarunta Baarlamaanka waxaana xiran dhammaan waddooyinka gala iyo kuwa hareermara Xarunta Baarlamaanka.
Xildhibaanada Labada Aqal ee maanta kulmi doona ayaa waxaa ay intooda badan magaalada Muqdisho soo gaaren maalinimadii shalay, waxaana la filayaa in maanta la dhaarin doono.
Kulanka muhiimadiisa ayaa waxaa lagu sheegay dhaarinta waxaana xarunta gaari doona Madaxda ugu sareysa dalka iyo Maxkamada Sare oo goobjoog ka ahaan doona dhaarinta.
Sidoo kale, waxaa suuragal ah in maanta dib u dhac uu ku yimaado Xaflada, sababtoo ah Khilaafaadka jira ee ku aadan Xubnaha qaar ee kuraastooda la laalay, ayaa suuragal ah inay saameyn ku yeelato.
Amaanka Xarunta Baarlamaanka ayaa aad loo adkeeyay waxaana Eryada xarunta ku sugan Ciidamo iyo Saraakiil kuwaasi oo ku howlan sugida amniga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]