Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka magaalada Muqdisho ayaa dhibaatooyin gaar ahaaneed qaba marka dowlada SOomaaliya ay qabaneyso xafladaha qaarkood.
Maanta waxaa xiran waddooyin badan oo muhiim u ah shacabka Soomaliyeed, waxaana la arkayaa shacabka oo lugtooda adeegsanaya.
Qaar kamid ah dadka rayidka ah ayaa sheegaya in waddooyinka xernaanshahooda uu saameynayo ganacsiga dadweynaha iyo dhaqdhaqaaqii magaalada ka jiray.
Waxay dowlada Soomaaliya ka codsadeen iney keento aragti kale oo lagu xaqiijin karo amaanka magaalada Muqdisho.


