Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Somalia, ayaa mar kale shaaca ka qaaday inay keenayaan Mooshin lagu doonaayo in dabarka looga furo Xildhibaanada lagu dhagan yahay.
Xildhibaanadu waxa ay sheegen in Mooshinkooda uusan aheyn mid dhibaata wata, balse ay ku doonayaan in faraha lagala baxo 5-ta Xildhibaan ee doorashadooda shakiga la galiyay.
Xildhibaanadu waxa ay ku doodeen in iyaga ay go’aan ka gaari doonaan Xildhibaanadaasi, loona baahan yahay in arrintaasi loo daayo Xildhibaanada.
Mid kamid ah Xildhibaanada Mooshinka ku goodiyay oo u waramaayay Idaacada Risaala ayaa sheegay inay ka go’an tahay Mooshinkaasi waa haddii aan faraha lagala bixin arrinta 5-ta Xildhibaan.
Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa sheegay in ay haboon tahay in shantaasi xildhibaan aan laga reebin Baarlamaanka ,islamarkaana aan lagu laaban doorashadooda.
Mooshinkaani ay Xildhibaanada ku goodinayaan ayaa imaanaya xili dhawaan Guddiga Khilaafaadka Doorashooyinka ay soo saaren Liiska 5-taasi xubnood ee shakiga la galiyay Doorashadooda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

