31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xasan oo Ifiyay heerka uu gaaray khilaafka DF iyo maamulada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Is qabqabsiga iyo Khilaafyada ka dhextaagan Hay’adaha DFS iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in xiliga lagu jiro ay muhiim tahay in wax un laga badalo Khilaafka taagan, si buu yiri loo yareeyo muuqashada Khilaafka.

”Ma moogin in mar waliba uu jiraayo Khilaaf balse waxaan qabaa in marka hore la qafiifiyo Khilaafka marka xigtana laga wadagudbo khilaafka”

Madaxweyne Xasan waxa uu sheegay inay muhiim tahay in Hay’adaha DFS iyo kuwa maamul Goboleedyada ay ku shaqeeyan qaab waliba oo ay isku fahmikaraan waxa uuna arrin fool-xun ku sheegay in Khilaafyada jira uu noqdo mid muuqda.

”Waxaa ugu daran in leysla fahmiwaayo xaqiiqda jirta, xitaa haddii ay dhacdo isfahan-xumi waxaan oran lahaa in la raadiyo halka uu xalka jiro”

Madaxweyne Xasan waxa uu sidoo kale sheegay in marba qeyb lagu sameyn doono isbedel, balse xiligaani loo baahan yahay in isfahan laga dhexsameeyo Hay’adaha DFS iyo kuwa maamulada.

Si kastaba ha ahaatee, Xassan Sheekh ayaa hadalkaasi sheegay xilli shalay uu xariga ka jarayaay xarunta KMG ah Aqalka Sare ee Barlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News