Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo sheegay inuu yahay Hogaamiyaha Isbedel doonka, ayaa Iclaamiyay shir Degdeg ah oo uu la qaadan doono Musharaxiinta Madaxweynima Doonka ah ee kasoo jeeda Beela Daarood.
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, ayaa sheegay in Shirkaasi Ujeedkiisa uu yahay ka hadalka Doorashada Madaxweynaha iyo Hanaanka lagu heli lahaa Isku tanaasul, waxa uuna sheegay in xiliga lagu jiro uu yahay xili loo baahan yahay in laga tashto xaalada dhabta ah ee uu dalka ku jiro.
Xiddig waxa uu tilmaamay in Shirka uu laqaadan doono Musharaxiinta Beesha Daarood ay waxbadan ka bedeli doonto tirada Musharaxiinta aadka u farabadan waxa uuna carab dhabay inuu ka dhabeyn doono qorshihiisa is-beddelka.
Xildhibaan Xiddig, oo ka hadlaayay Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa sheegay inuu ku qancaayo Guusha laga gaaray Doorashada, waxa uuna farta ku goday in sidii looga adkaaday ay isku kaashteen Dowlado Shisheeye iyo Shirkado ku haminaaya inay la baxaan Kheyraadka Saliida dalka, kuwaa oo dhaqaale xoogan ku bixiyay sida looga itaal roonaan lahaa, sida uu hadalka u dhigay.
Xiddig ayaa yiri “Anigu waxaan ahay mas’uul u diyaarsan waxkabedelka xaalada dalka, waxaana ku qanacsanahay inaan la imid 99 cod oo 2 kamid ah ay hallaabeen sidaasna aan ku helay 97 cod”.
“Waxaan muujiyay kalsoonida aan ka heysto Xildhibaanada, ujeedkeygu waxa uu ahaa in la helo isbedel muuqda oo ku yimaada dalka, waxaana ku qanacsanahay inaan leeyahay khibrad aan ku kasban karo umadda Soomaaliyeed”.
Xiddig waxa uu meesha ka saaray in saameyn ay ku yeelankarto isbaheysiga abaabulan ee ka shaqeeyay inuusan guuleysan, sida uu yiri.
Xildhibaanada u codeeyay ayuu sheegay inay isugu jiraan qabaa’ilo kala duwan taana ay muujineyso inuu leeyahay miisaan sara qaadi kara Hanaankiisa ku aadan Hogaaminta dalka, mustaqbalka dhow.
Sidoo kale, Xildhibaan Xiddig ayaa soo hadal qaaday suura galnimada in mar un dalka uu ka noqdo Hogaamiye isbedel doon ah, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuusan ka quusan doonin in waxbadan uu ka bedelo Siyaasada Somalia, si loo helo Isbedel la taaban kara.
Haddalka Xildhibaan Xiddig ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay Doorashooyinka Guddoonka Sare ee BF oo uu qeyb ka ahaa Musharaxiinta loolanka ugu jiray Hogaaminta Baarlamaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]