27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Sheekh Shariif oo si qarsoodi ah u dhisaya Isbaheysi xoog badan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii dowladii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheikh Axmed, ayaa waddo qorshe uu ku dhisayo isbaheysi xoog leh oo ka taageera olalaha Doorashada sanadkan.

Sheikh Shariif ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kula heshiiyay siyaasiyiin mug weyn ku leh siyaasada Soomaaliya, taasi oo rajo kale geliyay Sheikh Shariif.

Heshiiska Kampala ayaa wuxuu la galay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo musharax madaxweyne ah, iyo musharax madaxweyne C/naasir iyo Cabdi faarax Shirdoon Saacid ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Heshiiskaasi waxaa ka horeeyay heshiis kale oo uu la galay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, musharax madaxweyne Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo C/qaadir Cosoble Cali.

Sidoo kale wuxuu heshiis la galay madaxweynaha HirShabeele Cali Cosoble Cali.

Heshiisyada ayaa wuxuu Sheikh Shariif la galay siyaasiyiin isugu jira Musharixiin iyo madaxweynayaal maamul goboleed.

Ujeedada Heshiisyadaasi ayaa ah in haddii uu cod bataa wareega koowaad in isaga loogu shubaa codadka musharixiinta kale si looga guuleysto Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa wuxuu ka doonayaa inay taageero uga dalbaan xildhibaanada baarlamaanka ee lagu soo doortay maamul goboleedyada dalka.

Arintaan ayaana muujineysa in Sheikh Shariif uu dhisayo isbaheyso culus.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News