Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalxow oo ka qeybgalaayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu uga hadlay Doorashada Somalia.
Muuse Suudi, ayaa sheegay in Xildhibaanada looga baahan yahay inay la imaadan Madaxweyne waxtar u ah Diinta, dalka iyo Siyaasada lagu hagaajinaayo dalka.
Muuse Suudi waxa uu sheegay inay iska cadahay Madaxweynaha ay dooran doonaan, waxa uuna meesha ka saaray suuragalnimada in Musharaxa lagu doorto dhaqaale.
”Madaxweyne qof unbaa noo noqon doono, qofba qof ayuu u rabaa, anigana mid kale ayaan u rabaa Madaxweynaha”.
Muuse waxa uu sheegay in Doorashadaani ay waxbadan ka duwanaan doonto doorashooyinkii hore waxa uuna ballanqaaday in codkiisa uu siin doono cida u qalanta.
Haddalka Muuse Suudi ayaa imaanaya xili Doorashada heerka Madaxweyne la sheegay inay dhici doonto 8 Bisha fooda nagu soo heysa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

