Muqdsiho (Caasimada Online) – Waxaa jirtay maalmahan dood xoogan oo ku aadaneyd halka ay raacsan yihiin xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay Puntland, laakiin wax badan ayaa arinta iska badalay tan iyo 21-kii bishan markaas oo Muqdisho uu yimid C/raxmaan Faroole madaxweynihii hore ee Puntland.
7-dii cisho ee lasoo dhaafay inta badan xildhibaanada beesha Daarood ayaa la arkayay iyagoo ku hareereysan Faroole taasi oo fasiraad u noqotay meesha ay raacsiisan yihiin intooda badan.
Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa markii hor dadka qaarkii aaminsanayeen inuu heysto aqlabiyada xildhibaanada beesha Daarood laakiin waxaa hadda muuqata in imaatinka Faroole ee Muqdisho ay is-beddel weyn sameysay.
Kulankii shalay ku dhex maray Muqdisho Madaxweyne Xasan Shiikh iyo musharax Cabdiraxmaan Faroole ayaa walaac ku abuuray musharaxiinta kale ee beesha Daarood ee u taagan xilka madaxtinimada Somalia waxaana soo baxaya warar sheegaya in labada nin ay balamo siyaasadeed galeen.
Tan iyo markii uu Faroole yimid Muqdisho waxaa uu waday kulamo siyaasadeed oo xoogan isagoo sidoo kale la kulmay musharax Shariif Shiikh Axmed.
Ilo wareedyo ayaa waxa ay sheegayaan in musharaxiinta reer Puntland qaarkood inay aad uga caroodeen inuu Faroole ku dhowaado Xasan Shiikh halkaas oo laga dareemaayo is xulafeysi siyaasadeed oo xoogan uu ka abuurmayo.
Warbaahinta Puntland qaar, oo taageersan musharaxiin kale, ayaa laga dareemay culeeska uu Faroole lee yahay kadib markii ay baahiyeen warar sheegaya inuusan Faroole musharax aheyn, laakiin taas ayaa beenoowday markii uu maanta is diiwaan galiyay isagoo buuxiyay shuruudihii musharaxnimada waxaaa la siiyay shaahadadii doorashada.
Hada musharaxiinta beesha Daarood waxaa ay ka fakarayaan wajiga cusub ee arintu yeelatay iyo sida loo maareyn karo culeeska kaga yimid dhanka Faroole.
Guriga uu Faroole ka dagan yahay Muqdisho ayaa waxaa saacad walba lagu arkaa xildhibaano koox koox u socda oo la kulmaya.
Dadka reer Muqdisho ayaa sidoo kale dareen gaar ah siinaya ololaha Faroole oo markii hore ay u haysteen mid aan xooganeyn..
Dadka siyaasada ka faalooda qaar ayaa aaminsan in xitaa hadii aan la dooran Faroole inuu ugu yaraan uu soo saari karo siyaasi ay isku fikir yihiin.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

