Beledweyne (Caasimada Online)-Maamulka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa wada baaritaan lagu xaqiijinaayo nin AMISOM ay ku dhex dishay Kunteenar.
Maamulka ayaa sheegay in Meydka ninkaasi ay kasoo dhex saaren Kunteenar-ka, balse ay iminka wadaan baaritaan ku aadan sababta ninkaasi loogu dhex dilay Kunteenar-ka.
Maxamed C/dulle Fiidoow oo ah Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ninka dhintay iyo Saddex kale ay Ciidanka AMISOM Ku xereen Kunteenar yaallay degmada Jalalaqsi.
Maxamed C/dulle Fiidoow, ayaa sheegay in xarigaasi ay geysteen Ciidamada AMISOM, waxa uuna meesha ka saaray in geerida ninkaasi ay tahay mid xanuun keenay.
Saraakiisha Baaritaanka wada ayaa si hordhac ah u xaqiijiyay in Geerida Muwaadinkaasi ay tahay mid loo adeegsaday ceeji, waxa ayna tilmaameen inay ka salgaari doonaan xaqiiqda.
Dhinaca kale, Muwaadinka ku dhex dhintay Kunteenarka ayaa ku dhex xirnaa dhowr saac.
Caasimada Online
Xafiiska Bedelweyne
[email protected]

