25.5 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Faroole: Wixii aan Muqdisho ku soo arkay iyo wixii aan ka aaminsanaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo kamid ah xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa fariin u diray madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxweyne Farmaajo, taasi oo ku wajahan Muqdisho.

Wuxuu sheegay in markii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho inuu ku arkay shacab Soomaaliyeed oo doonaya midnimada, ayna ka go’an tahay inay dowladdooda dhowrtaan, oo ay wax walba u huraan.

Wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho ay ahaayeen kuwo aan aqoonin qabyaaladda iyo kala saarista shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay kasoo jeedaan, taasi oo aanu ka fileyn.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka ku nool deegaanada Puntland iney sidaasi oo kale sameeyaan oo aysan shacabka kala saarin, oo ay noqdaan dad soo dhaweeya Soomaalida oo idil.

Madaxda maamul goboleedyada ayuu sheegay inay mar walbaa sameeyaan kala faquuqida shacabka, balse shacabka ay dhexdooda in jecel yihiin, sidaasi daraadeedna madaxda ay ka shaqeeyaan sidii shacabka ay mid u noqon lahaayeen.

Sidoo kale wuxuu u jeediyay inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya, si guul qaran loo gaaro.

Dhankiisa Farmaajo ayuu u jeediyay inuu ka dhabeeyaa dhamaan balanqaadyadii uu baarlamaanka u jeediyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News