Farmaajo oo ku guuleystay in uu Muqdisho kasoo dejiyo Sheekh Shaakir

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho Hogaamiyaha maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe oo casuumaad ka helay Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo.

Hogaamiyaha maamulka Sheekh Axmed Shaakir ayaa la sheegay inuu ka qeybqaadan doono Caleemasaarka Madaxweyne Farmaajo oo lagu wado in maalinta Arbacada uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Hogaamiyaha maamulka ayaa waxaa wehliya Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo Saraakiil ciidan, waxa ayna tani ka danbeysay kadib markii maamulka uu dhawaan sheegay inay soo dhaweynayaan Madaxweynaha cusub.

Hogaamiyaha maamulka ayaa markii ugu horeysay ka qeybgalaaya Munaasabad ay qabaneyso Dowlada Somalia, waxa ayna tani sahli kartaa in labada dhinac ay heshiiyaan.

Caleema-saarka kadib ayaa waxaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Axmed Shaakir ay wadaqaatan kulan gaara oo looga wadahadli doono khilaafka Ahlusuna kala dhexeeya Galmudug.

Maalinta Arbacada ah oo Taariikhda ay ku beegan tahay 22-ka Bishan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhici doonta Munaasabad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com