25 C
Mogadishu
Sunday, February 1, 2026

Jaadkii ka imaan jiray dalka Kenya oo hal arin darteed hakad loo gelinayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in hakad uu ku imaanayo qaadkii la keeni jiray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dhanka dowladda ay ka socoto sababta keeneysa in hakad loo geliyo qaadkii ka imaanayay magaalada Muqdisho.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay canshuuro badan ay ku kordhisay qaadka ka imaanayay dalka Kenya ee la keenayay dalka Soomaaliya.

Qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee Qaadka Keena magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta ilaa beri uu hakad ku jirayo qaadka la keenayay magaalada Muqdisho.

Waxay sheegeen in hakadka la filayo inuu ku yimaado imaatinka qaadka uu sabab u yahay canshuurta dowlada Soomaaliya ay ku kordhisay qiimihii laga qaadi jiray markii hore.

Qaar ka mid ah ganacsatada qaadka ku iibiso muqdisho ayaa waxay sheegayaan inay suura gal tahay in qaad uu yimaado hayeeshee uu qaali ku imaan doono , inkastoo lagaba cabsi qabo in aanu imaan,

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News