Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhacday arrin yaab badan oo uu sameeyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasoo aheyd inuu ka laabto go’aan uu markii horeba si fudud ku qaatay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan bartiisa Twitterka kusoo qoray amar uu faray Hey’adaha dowladda Soomaaliya oo dhan kaasoo ahaa inay hadda kadib amarka shaqada ka qaataan Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Madaxweynaha ayaa amarkiisa u muuqday inay aheyd in dhammaan hey’adaha dowladda Soomaaliya ay si toos ah amarka uga qaataan Ra’isulwasaaraha taasoo dad badan la yaab ku noqotay markii hore.
Balse arrinta kale ee soo baxday ayaa noqotay inuu madaxweynaha dib uga laabtay go’aankaas waxaana si lama filaan ah bartiisa looga saaray amarkii markii hore lagu soo qoray.
Qoraalka uu madaxweynaha soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa saacado badan hawada ku jiray markii uu madaxweynaha ogaaday inuu go’aankaan yahay mid qaldan oo aan sharciga waafaqsaneyn ayuu dib uga saaray.
Sida sharciga ah dhammaan hey’adaha dowladda ma hoos tagi karaan amar Ra’isulwasaaraha waxaana kamid ah hey’adaha aan xukuumadda hoos tagin karin: Cadaaladda iyo kuwa kale sida laba aqal ee Baarlamaanka iyo Hey’ado kale oo ka madax banaan amarka xukuumadda.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bilaabay inuu qaato go’aan aad moodo in lagu fududaaday waxaana midaas sabab u ah inuusan laheyn la taliyayaal qibrad leh.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]