Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho goordhow soo gaaray xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wafdi uu hogaaminayo.
Wafdiga Antonio Guterres ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Kulan gaar ah ayaa wuxuu dhexmaray xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdulaahi Farmaajo.
Kulankaasi ayaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin abaaraha ka jira dalka Soomaaliya iyo xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka jiro.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in kulankaasi uu ku saabsanaa amaanka iyo abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in wafdiga Antonio Guterres ay aadi doonaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, oo kamid ah meelaha sida weyn ay u saameysay abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.
Xoghaya Guud wuxuu sheegay in abaaraha ka jira dalka Soomaaliya uu u yimid gudaha dalka, wuxuuna sheegay inay gacan ka geysan doonaan, sidii dadka loo samata bixin lahaa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]