Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Mooshin diyaarintiisu maraayo heer gabogabo kaa oo laga diyaariyay Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan.
Abaabulka Mooshinka ayaa waxaa leh Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka MKG, gaar ahaan garabyada ku dhow dhow Shariif Xasan.
Xildhibaanada Baarlamaanka MKG ayaa sheegay in iminka ay soo idlaatay diyaarinta Mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xildhibaanada ayaa sheegay in Mooshinka ay iska diiwaan galiyeen 3 meelood labada meel iyo bar oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka.
Xildhibaanada ayaa sheegay in 20-ka Bishan la bilaabi doono ka doodista Mooshinka laga gudbinayo Hogaamiyaha Koonfur Galbeed.
Xildhibaanada ayaa Hogaamiyaha ku eedeeyay in uusan waxba u qaban shacabka Koonfur Galbeed, iyaga oo sidoo kale sheegay in waqtiga uu ka idlaaday.
Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka MKG ka dalbaday in 20-ka Bishan uu u furo kalfadhiga xubnaha xildhibaanada, si ay u horgeeyaan Mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan.
Mooshinka laga gudbinaayo Shariif Xasan ayaa noqonaaya kii ugu adkaa waxaana ka qeybqaadan doono Xildhibaano aad u farabadan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]