Mid kamid ah raggii fuliyay ismiidaamintii warshadii hore ee nac-naca oo la qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Amaanka DFS ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah Raggii dhawaan Qarxiyay Gaariga Caasiga ah ee ku qarxay meel ku dhow Iridka Warshada Nac-naca ee degmada Wadajir.

Ciidamada ayaa ruuxaani qabtay xili ay macluumaad ka heleen dadka deegaanka oo iyagu horay uga shakisanaa ruuxa ku cusub.

Ruuxaani ayaa laga qabtay xafada Tarabuushka ee degmada Wadajir, waxaana la xaqiijiyay in Ruuxaasi uu ku howlanaa sida uu uga baxsan lahaa Xaafada, balse ay Ciidamadu ka warheleen.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in shaqsiyaadka la baadi-goobaayay ay ahaayen 2 Ruux balse ay iminka qabteen hal ruux, halka ruuxa kale ay ku howlan yihiin raaditaankiisa.

Sargaalkaani ayaa sheegay in Ruuxaasi loo gudbin doono Xarunta baarista isla markaana laga jaasin doono dhiiga uu geystay iyadoo la maraayo waxa uu qabo sharciga.

Dhinaca kale, qorshaha ruuxaani la qabtay ayaa ahaa in gaariga uu ku fuliyo weerar Ismiidaamin oo gudaha Xarunta ah, hayeeshee waxa uu dhaafi waayay Banaanka sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com