Kheyre oo sheegay sababta ay joogtada uga dhigayaan xuquuqda shaqaalaha DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa mar kale ka hadlay isla xisaabtan la’aanta ka taagan Xarumaha Dowlada Somalia.

Ra’isul wasaaraha waxa uu sheegay in Dowladiisa ay ka duwanaan doonto Dowladihii hore waxa uuna cadeeyay in talaabada ugu horeysa ay noqon doonto isla xisaabtan.

Waxa uu sheegay in isla xisaabtanka uu u badnaan doono Golaha Wasiirada, Hay’adaha Dowladda sida Hay’adaha amaanka.

Kheyre waxa uu sheegay in dhinacyadaasi lagula Xisaabtamayo shaqadooda, wuxuuna tilmaamay in la joogteyn doono Xuquuqda Shaqaalaha isla markaana dhankooda lagula Xisaabtamayo shaqooyinka ay hayaan.

Sababta ay u joogteynayaan Xuquuqda Shaqaalaha ayuu ku sheegay inay tahay helida la xisaabtan dhab ah.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay la imaan doonto isbadal dhab ah iyo la Xisaabtan.

Maalinimadii shalay ayay ahayd markii Ra’isul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu kulankiisa ugu horeeyay la qaatay Shaqaalaha Xafiiskiisa R/wasaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com