Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sida ay u arkaan golaha wasiirada cusub ee uu ku dhawaaqay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya xasan Cali Kheyre.
Xildhibaanada oo Muqdisho kulan deg deg ah ku yeeshay ayaa ka dhawaajiyey inay si weyn uga soo horjeedaan Golaha Wasiirada cusub waxayna ka dhawaajiyeen inay ka shaqeyn doonaan sidii cagta loo marin lahaa.
Xildhibaanada ayaa gaarayo ilaa 61 Xildhibaan Idiris Dhaqtar oo kasoo jeedo Koonfur Galbeed ahna afhayeenka kooxda Xildhibaanada ah ee isku xiran ayaa ka dhawaajiyey inaan Digil iyo Mirifle la siin Wasiiradii ay u qalmeyn.
Wuxuu sheegay inaysan macquul aheyn inuu Kheyre Dhiso wasiiro gaarayo ilaa 70 Wasiir isla markaasna aan si wanaagsan beelaha loogu qeybin iyadoo la eegayo hab qeybsiga beeleed ee 4.5.
Xildhibaanada dhammaantood ayaa ah kuwa kasoo jeedo Koonfur Galbeed waxayna eedeyn weyn dusha uga tuureyn madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iulwaasare Kheyre waxayna ku tillmaameyn inay yihiin kuwa aan sameyn wixii lagu balamay.
Waxaa la rumeysan yahay in gadoodkaan uu ka dambeeyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo wado ololo xooggan oo looga soo horjeedo wasiiradii shalay lagu dhawaaqay.
Shariif Xasan ayaa la sheegay inuusan ku qancin qaabka wax loo magacabaay kadib markii uu liiska wasiirada la waayey shaqsiyaad uu isaga watay oo uu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya u gudbiyey.
Asbuucaa soo socda bilowgiisa ayaa la filayaa in wasiirada la horgeeyo xubnaha Baarlamaanka waxaana muuqato in culeys weyn uu saarmi doono sidii ay wasiirada u heli lahaayeen codka Baarlamaanka .
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Markii hore Ra’isulwasaare Kheyre siiyey dhammaan codadkii Xildhibaanadii kasoo qeybgalay kulankii kalsoonida loogu raadinaayey, balse markaan waxaa la filayaa inaysan wasiirada u fududaan doonin helista aqlabiyadda Baarlamaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]