Sawirro: Fannaaniin ka tirsan Xiddigaha Geeska oo Shil Gaari ku galay magaalada..

Hargeysa (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Fannaaniin ka tirsan Xiddigaha Geeska ay Shil gaari ku galeen Duleedka Tuulada Abaarso oo 15-KM dhinaca Galbeed ka xigta Magaalada Hargeysa.

Fannaaniintani ayaa Shilkooda ka hor ka baxay Magaalada Hargeysa waxaana la xaqiijiyay inay kusii jeeden Magaalada Arabsiyo.

Gaariga ay ku safrayeen Fannaaniinta ayaa waxaa soo gaaray burbur xoogan, waxaana sidoo kale la sheegay in Gaariga burburka xoogan uu soo gaaray uu lahaa Musician-ka Kooxda Axmed Weli Furinle kaa oo noociisa lagu magacaabo ”Hammer”

Gaariga Shilka galay ayaa waxaa saarnaa Abwaano iyo Fannaaniin tiradooda lagu sheegay ilaa 7.

Ilaa iyo Afar Fannaan ayaa la xaqiijiyay in Shilka uu kasoo gaaray dhaawac fudud, kuwaa oo la dhigay Isbitaalo ku yaalla Magaalada Hargeysa, sida aan xogta ku helnay.

Safarka gaaban ee Abwaanada iyo Fannaaniinta ayaa ahaa mid ku eg Dalxiisa.