27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Puntland oo maanta cashar dimoqraadiyad iyo mid caddaalad siisay Soomaaliya inteeda kale

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Nugaal ee maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta qaadatay go,aan geesinimo leh oo ay ku muujisay inaysan dowladda Puntland iska qaadan karin go,aanka ay rabto.

Maxkamadda oo dhawr jeer u fadhiisatay kiiska ku aadan xiritaankii loo geystay TV-ga Universal kadib markii ay amarkaas soo saartay dowladda Puntland oo ku eedeeysay inuu Talefishinka ku xad gudbay maamulka Puntland.

Maxkamadda ayaa maanta go’aan ku gaartay in xayiraada laga qaado Universal TV oo maalmo badan shaqo joojin lagu sameeyey, waxayna ka dhawajisay in hadda wixii ka dambeeyo uu shaqeenayo TV-ga.

Maxakamadda ayaa Universal ku xukuntay inay bixiso ganaax ku aadan xagga Anshaxa oo ah ilaa $2000, isla markaasna ay shaqadeeda u fasaxan tahay.

Sidoo kalana wasaaradda Warfaafint Puntland ayaa lagu xukumay inay bixiso kharashaadkii ka baaqday Universal intii uu xirnaa xafiiskeeda Puntland, taasoo ay aad usoo dhaweeyeen ururka Suxufiyiinta Puntland.

Go,aankaan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid ku saleysan cadaaladda iyo kala dambeyn, wuxuuna muujinayaa inay Puntland markii ugu horeysay ogaatay inaysan iska qaadan karin go,aan aysan soo marin Maxkamad.

Waa tallaabo fiican oo muujineyso in dad aan kasoo jeedin Puntland ay maxkamad u sameyso cadaalad kadib markii ay dowladda ku xad gudubtay, waxayna midaas caddeyn u tahay in laga baxay waqtigii kaligii talisnimada lana gaaray in wax kasta lagu kala baxo cadaaladda horteeda.

Xiritaanka xafiiska Universal ee Puntalnd ayaa imaaday kadib markii ay Puntland ka xanaaqday barnaamijka Faaliyaha qaranka oo lagu soo qaatay qodob ka hadlayey Cabdiweli gaas iyo Maamulkiisa.

Waa Cadaaladdii ugu horeysay ee noocaan ah oo ka dhacdo Soomaaliya tan iyo burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre, waana tallaabo mudan in lagu daydo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News