Dhageyso: Maxay S/Land ka aaminsan tahay heshiika dakadda Boosaaso lagu siiyey Imaraadka?

Hargeysa (Caasimadda Online) – Waxaa dhawaan heshiis wada saxiixday Maamulka Puntland iyo dowladda Imaaraadka Carabta kaasoo ku aadan Dakadda Boosaasoo oo ah Dakadda Labaad ee ugu weyn Soomaaliua.

Haddaba waxaa arintaas ka hadlay Maamulka Somaliland, oo si weyn usoo dhaweysay heshiiska ku dhex maray Putnalnd iyo Shirkadda DP World Magaalada Dubai ee Wadanka Imaaraadka Carabta.

Heshiiska ayaa qorayey inay Imaaraadka carabta lagu warejiyey Dakadda Boosaaso Muddo 30 sano, waxaana lagu balamay in dib u habeyn lagu sameeyo Dakadda, sidoo kalana lagu soo kordhiyo qalab casri ah.

Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani) oo a Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ayaa ka dhawaajiyey inay halmbalyo farxadeed u dirayaan shacabka Puntland, waxayna si weyn usoo dhaweeyeen heshiiskaas oo ay ku tilmaameyn inuu yahay mid hormarka  ka shaqeenayo.

“haddaanu nahay Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxaa Puntland u direynaa hamnbalyo ku aadam Heshiiska Boosaaso si lamid ah hambalyada ay shacabka u direyn dowladda.  Dadkaas fahmay dariiqa Jamhuuriyadda Somaliland ay qaaday inuu mid saxa yahay.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Wasiirka oo dhinaca kala hadlayey kaalmada ay dowladda Soomaaliya u qorsheysay Somalilan ayaa ku tilmaamay inay arrintaas ujeedkeedu yahay sidii la isaga horkeeni lahaa shacabka iyo Maamulka Somaliland.

Cadaanai ayaa soo hadalqaaday in Somaliland ay u gurmatay Somaliya, xilligii ay abaaraha darrani ku dhufteen sanadkii 2011-ka, iyadoo Somaliland ka wadan dano siyaasadeed. Wuxuuna dowladdii hore ku ammaanay in ay si hufan ugu soo gurmatay abaarihii ku dhuftay Galbeedka Somaliland, muddo sanad iyo bar laga jooggo, taasna ay tahay mid lagu amaani karo dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Wasiirka Warfaafinta Somalialand

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com