Dagaalkii 3aad ee aduunka ayaa laga cabsi qabaa inuu dhaco muddo dhow (bilooyin gudahood) sida muuqata.
Isbuucii hore Mareykanka ayaa 52 Gantaal ku riday Xarumo ay leeyihiin ciidamada Suuriya, waxaana halkaas ku geeriyooday ku dhowaad 39 askari oo ka tirsan xoogaga rajiimka Bishaar Al-Asad.
Donald Trump wuxuu sheegay in gantaaladaas ay jawaab u ahaayeen Suntii uu Bishaar Al-asad ku laayay dadkiisa isla bishaan gudaheeda.
Ruushka (Russia) oo saxib dhow la ah madaxweyne Bishar Al-Asad ayaa caro ka muujiyay in USA ay gantaalo ku ridaan ciidamo daacad u ah dowladda Syria.
Putin Madaxweynaha Ruushka, wuxuu af cad ku sheegay in hada wixii ka dambeeya ay difaaci doonaan xukuumada uu hogaamiyo Asad. (Qalabka lagu difaaco gantaalada waaweyn ayey Ruushka shalay geeyeen Hawada Suuriya).
Qilaafka u dhaxeeya Mareykanka iyo Russia ayaa salka ku hayya in labada wadan ay u ordayaan wadanka ugu quwadda weyn dunida.
Khamiistii dhoweed Militariga Mareykanka ayaa 50 gantaal oo ah nooca laga sameeyay Nukliyeerka waxey ku garaaceen Waqooyiga Afghanistan. Donald Trump oo amarkaas bixiyay ayaa qiray in Daacish fara badan ay ku laayeen
Lakin Gantaalada uu Mareykanka ku garaacay Afghanistan ayaa aad looga carooday.
Tan ugu daran:-
Kuuriyada Waqooyi (North Korea) ayaa 16 sano kadib waxay dhowaan tijaabin doonaan Nugliyeerkooda cusub lakin Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in carqalad ay ka dhalan doonto hadii ay tijaabiyaan iyagoo aan cod loo qaadin.
Donald Trump oo 24 saac ka hor isugu wacay warbaahinta ayaa sheegay in Gantaalada laga sameeyay Nugliyeerka ay ku ridi doonaan Waqooyiga Kuuriya hadii ay tijaabiyaan Nugliyoorkooda cusub.
Hadalkaan oo qabsaday saxaafadda iyo guud ahaan Barlamaanada caalamka ayaa dad badan waxey ku abuureen cabsi horleh iyo in la gaaray waqtigii uu bilaaban lahaa Dagaalka 3aad ee dunida
Madaxweynaha North Korea Kim Jong-Un ayaa isagoo careeysan manta wuxuu yiri “hadii ay jirto dal aduunka ku yaal oo naga hor-istaagi kara tijaabinteena Nugliyeerka bal aan aragno”
“Mareykanka hadii ay joojin waayan daandaansiga ay nagu wadaan, waxaan ku weerari doonnaa Hab aysan waligood arag. Ninkaas (Trump) ha u naxo caruur badan hadii kale agoon ayey noqon doonaan”.
Kuuriyada Waqooyi maanta waxa ay sameeyeen dhoolatus militari, sidoo kale waxaa dhoolatuskaas mid lamid ah sameeyay Ruushka iyo China.
Mareykanka wuxuu gacan saar la leeyahay England, France iyo Germany… Dhanka kale Ruushka, Syria, China, Turkey iyo Kooriyada Waqooyi oo gooni ah waa dhinac.
Dagaalkii labaad ee aduunka waxaa laga joogaa 81 Sano, waxaana dagaalkaas ku geeriyooday malaayiin qofood, wuxuuna socday ku dhowaad 7 sano oo dhulka la isla simayay.
Hey’adaha caalamka ayaa Hada u baqaya dad badan oo caalamka qaxooti ku ah oo Wadamadooda aysan awood laheen tusaale ahaan Somalida.
World War 3 ayaa hal Talaabo loo jiraa sida ay baahinayaan CNN iyo ABC. Hadii uu dhaco dagaalkan Dalal badan ayaa ku dhib qaba oo ay dhici karto in 100 sano kadib ay kasoo kabsadaan dagaalkan cusub.
Waxaa la hubaa in Waqooyiga Kuuriya uu isbuucyo kadib tijaabin doono Nugliyeerka, taas hadii ay dhacdo waxaa loo diyaar garoobayaa World War 3
Hadii aad aqrisay warbixintaan Adiga ahaan Yaa kula awood badan Mareykanka, Ruushka, North Korea ?
Qoray: Idiris Abdulkadir Alteeso