Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii muddada seddexda maalin magaalada Muqdisho kaga socday madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada waxyaabaha kasoo baxay ayaa waxay yihiin kuwo si weyn loosoo dhaweeyay.
Kulankaasi waxyaabaha sida weyn looga hadlay waxaa kamid ahaa arimaha amaanka, waxaana ay kasoo saareen dhismaha golaha amniga Qaranka oo uu guddoomiye u yahay madaxweynaha Soomaaliya.
Golahaasi waxaa sidoo kale marka la joogo maamul goboleedyada guddomiyaal u ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada, waxayna taasi muujineysaa in dalka uu leeyahay guddi amni qaran oo loo dhan yahay.
Qaramada Midoobay, Midowga Africa, EU, Ethiopia, Talyaaniga, UK iyo wadamada kale ee daneeya arimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go’aankaasi wadajirka ah ee ay wada qaateen madaxda Soomaaliya.
Ergeyga qaramada midoobey ee Soomaaliya, Michael Keating oo arrintaasi ka hadlayey waxaa uu sheegay in dhismaha golaha ay xoojineyso dowladnimada iyo amniga dalka.
Kulan 3 maalmood ka socday Muqdisho ayey dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada dalka isku afgarteen dhismaha Golaha Amniga Qaranka kaas oo ka kooban labo heer.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

