Madaxda maamullada oo fariin isku mid ah siiyay madaxweynaha Ahlu-Sunna

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka gobolada Dhexe ee Ahlu sunna ayaa xalay la kulmay madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya oo maalmahaan ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa ka dhex muuqda wasiirka koowaad ee xukuumada wasiiro kale oo uu kamid yahay wasiirka arimaha dibada xukuumada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada.

Wuxuu ahaa kulankii ugu horeeyay ee dhexmara madaxda maamul goboleedyada dalka iyo madaxweynaha maamulka Ahlu sunna oo ah maamul mucaarad ku ahaa maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Koofur Galbeed, Jubbaland, HirShabeele, Puntland ayaa hadalo kaftan ah la wadaagay Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan, waxayna ugu dambeyn kula taliyeen inuu ka shaqeeyo midnimada ummada SOomaaliyeed.

Waxyaabaha ay ka wada sinaayeen ee ay kula taliyeen Shaakir ayaa ahaa inuu ilaaliyo midnimada shacabka gobolada dhexe, ayna ka shaqeeyaan sidii loo sameyn lahaa maamul loo dhan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com