DF oo guddi cusub ku dhawaaqday iyo wadahadalo maanta Muqdisho ka furmaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday guddi cusub oo la doonayo inay ka qeyb qaataan wadahadalka Ahlu sunna iyo maamulka Galmudug.

Guddigaasi oo ay ku jiraan wasiiro xukuumada ka tirsan ayaa waxaa ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana ay xooga saari doonaan sidii wadahadal miro dhala loogu qaban lahaa Galmudug iyo Ahlu sunna.

Kulan xalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya ayaa guddigaasi laga soo saaray, waxaana ay la kulmayaan madaxda maamulka Ahlu sunna iyo maamulka Galmudug.

Waxaa maanta la filayaa in kulankaasi uu ka furmo magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galaya madaxweynaha maamulka gobolada dhexe iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug ahna ku simaha madaxweynaha Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in ka hor dhamaadka bishaan oo doorashada madaxweynaha Galmudug loo balansan yahay in heshiis buuxa ay kala saxiixdaan galmudug iyo Ahlu sunna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com