25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Dhageyso: Farmaajo oo tilmaamay wadada kaliya ee dhibaatada looga saari karo Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) –Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka ugu baaqay in ay Alle u laabtaan oo ay dambi dhaaf weydiistaan.

Madaxweynaha oo ka qeybgalay salaadii Jimcaha ee Masjidka Shuhadaa ee ku yaal madaxtooyada ayaa halkaas kula hadlay dadkii salaada kasoo qeybgalay.

Khudbadda salaadda Jimcaha ayaa waxay ku saabsanayd ahmiyadda Garsoorka iyo Cadaalladda, waxaana akhrinayay khudbadda Jimcaha Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee inta badan ka hadlo waxyaabo xasaasi ah.

Sheekha  ayaa sheegay in \\cadaalladdu ay tahay mid Wanaagsan maalinta qayaamahana la is waydiinayo loona baahan in Madaxda iyo Shacabkaba ay ku dadaalaan sidii cadaallad looga shaqayn lahaa .

“Waxaa loo baahan yahay in arrimaha maxkamadaha lagu dadaallo sidii loo hubin lahaa, cadaallada waa shayga ugu muhiinsan adduunyada oo maalinta Aaqirana lays waydiinayo” ayuu yiri Sheekha.

Avv, Ibraahin Iidle Suleebaan   oo ah guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya   ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan cadaalladda, wuxuuna madaxda iyo shacabka u soo jeediyay inay u duceeyaan  garsoorka si loo helo cadaalad waarto oo umadda dhan wada gaarto.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay masjidka Shuhadaa ee xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in Alle u laabtaaan oo ay dambi dhaaf weydiistaan si loo helo barwaaqo iyo nolol fiican.

“Dalkan aniga iyo dhowr iyo toban Wasiir kaliya wax kama qaban karno, waxaa loo baahan yahay in dowladda lala shaqeeyo si bur burka looga baxo, waxaa jira kooxo ka shaqeeya had iyo jeer bur burka dalka oo habeen iyo maalin u soo jeeda sidii dalka loo bur burin lahaa” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aaday xilli Dowladda Soomaaliya ay shacabka Soomaaliyeed ka heysato kalsooni badan, waxaana laga filayaa dowladda inay ka shaqeyso hurmarka iyo cadaaladda.

Halkaan ka dhageyso hadalka Madaxweynaha

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News