Axmed Fiqi oo kashifay qorshaha ka danbeeya baabi’inta ciidamada xoogga dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha BFS ayaa si adag uga hadlay go’aanka ay Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ku meelmariyeen 18,000 ee ciidamada.

Xildhibaan Axmed Fiqi ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in dowlada Somalia ay dib ugu laabato ciidamada Qaranka xili loo baahnaa in tirro kordhin lagu sameeyo ciidamada.

Xildhibaanka ayaa sheegay in qorshahaani uu yahay mid ay wataan dalal shisheeye oo Somaliya dano gaar ah ka leh, waxa uuna tilmaamay inaanu socon doonin qorshaha noocaasi ah.

Wuxuu sheegay in markiisi hore arintaan ay ka soo bilaabatay Magaalada Nairobi, gunteedana ay ku dhamaatay Magaalada Addis Ababa.

Waxa uu tilmaamay Xildhibaan Fiqi in arrinta ciidamada DFS lagu baabi’inaayo aawgeed shir uga dhacay dalka Tanzania oo ay isugu yimaadaan Ajaanib kaliya.

Waxa uu xaqiijiyay in kulanka uu ahaa mid loogana hadlaayay arinta ku aadan dhismaha ciidamada Xooga dalka Somaliya, waxa uuna shakiga ka saaray in qorshahaani uu yahay mid ay wadato DFS, balse uu yahay mid ay gadaal ka riixayaan dowlado shisheeye oo aad uga soo horjeeda horumarka Somalia.

Axmed Fiqi ayaa xaqiijiyay in dalalka shisheeye ay aad uga soo horjeedan Somalia oo ka hanaqaada halka ay iminka taagan tahay waxa uuna farta ku goday in arrintaani ay tahay mid u taal BFS iyo shacabka Soomaaliyeed.

DFS ayuu sheegay in looga baahan yahay inay kaashato aqligeeda waxa uuna cadeeyay in dhagarta loo maleegayo Somalia ay intaa kasii badan tahay balse looga gaashaamankaro in loo midoobo.

Haddalka Axmed Fiqi ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho iyo Caasimadaha Gobolada dalka ay ka socdaan qorshooyin lagu diiwaan galinaayo ciidamada 18,000 ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com