Muqdisho (caasimada Online)-Waxaa sii kordhaaya madaxda dalka ee Xogaha Qaranka la wadaaga dowladaha shisheeye kuwaa oo loo isticmaalo kala geynta Soomaalida, gaar ahaan dowlada iyo Shacabkeeda.
Madaxda ceynkaasi ah ayaa u badan Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada dalka, waxaana xiga xubno ka kala tirsan labada Gole oo xiriir toosa la leh dowladaha Shisheeye sida Ethiopia, Kenya, Ugandha iyo Imaaraadka Carabta.
Hogaamiyayaasha Maamulada dalka ayaa ugu badan kuwa dowladaha Shisheeye la wadaaga Sirta Qaranka Somalia, waxaana dowladahaasi u badan Ethiopia iyo Kenya oo dhulal ka heysta Somalia, isla markaana musiibo u arka in Somalia ay kahana qaado halka ay iminka taagan tahay.
Marka la eego sharciyada adduunka waxaa mamnuuc ka ah in la doorto ama xil loo dhiibo shaqsi xiriir dhow la leh dowlado shisheeye, iyadoo shaqsiga noocaasi ah loo yaqaan Qaa’in Al-wadan.
Dowladaha qaar ayaa shaqsiyaadka noocaasi ah ka mamnuuca Safarada dibadda, halka qaarna ay ku ridaan Xukuno fog oo aan ka laabasho laheyn.
Hogaamiyayaasha iyo Xubno ah oo ka kala tirsan labada Gole ee dalka ayaa dowladahaasi Sirta Somalia la wadaaga xiliyada uu dhamaado shirarka ay ka qeybgalayaan ama xiliyada uu dalka ku jiro xaalad cakiran oo dhanka Siyaasada ah.
Nasiib darada ugu badan ee heysata Somalia ayaa ah in Siyaasiyiinta Soomaalida %60 ay yihiin kuwo si dhow ula shaqeeya dowladaha Shisheeye waxa ayna taa dhalisay in Somalia ay kusii jirto dhibaatada hadda heysata.
Dowladaha ugu badan ee ku fashilma Siyaasada iyo Amniga ayaa waxaa ku dhex jira Xubno la shaqeeya Shisheeyaha kuwaa oo sabab u noqda fashilka ku dhaca dowladahooda.
Dowlada Somalia ayaa waxaa la gudboon inay kala shaandheyso shaqsiyaadka noocaasi ah ee Sirta Somalia sida tooska ah ula wadaaga dowladaha Shisheeye, iyadoo la adeegsanaayo waxa uu sharciga Somalia ka qabo arrintaasi.