Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda Xukuumada Somalia Xasan Xusein Xaaji ayaa shaaca ka qaaday in DFS aysan dhaqan galin Cadaalada in badan laga sheego shirarka dibadda iyo kuwa gudaha.
Wasiirka oo u waramaayay Idaacada SNM ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xabsiyada dalka ay yihiin kuwo aan looga dhaqmin Cadaalada ay hadal heyso DFS, waxa uuna qiray in Xabsiyada dalka lagala baxo Maxaabiista dambiga leh laguna bedelo dad aan Dambi lahayn.
Waxa uu sheegay in inta badan dadka ku jira Xabsiyada ay yihiin kuwo aan waxba galabsan balse lagu bedeshay kuwo loo heystay fal danbiyeed qaarkood halis ah.
Wasiirka Cadaaladda Somalia Xasan Xusen Xaaji ayaa sheegay in Xabsi iyo xukunba ay muteysan doonaan shaqsiyaadka darajada ciidan leh iyo kuwa aan darajada laheyn ee isku bedela danbiilayaasha iyo kuwa aan danbiyada laheyn.
Sidoo kale, waxa uu bidhaamiyay in Xabsiyada qaar ay ka jiraan dhaqamo qalafsan oo lagu kala iibsanaayo Maxaabiista, waxa uuna ka digay in dhaqanka noocaasi ah uu halaag u horseedo dalka.
Wasiirka ayaa sidoo kale, ka codsaday waaxyaha kala duwan ee Garsoorka in ay ku soo war geliyaan haddii uu jiro Kiisas nuucaasi ah, waxaana uu ballanqaaday in wax badan laga qaban doono habacsanaanta ka jirta Garsoorka Dalka .
Haddalka Wasiirka Cadaaladda ayaa kusoo beegmaaya xili magaalada Muqdisho ay ka socdaan shirar lagu xoojinaayo Garsoorka dalka, inkastoo Garsoorka DFS uu yahay la jiifshaa-banaan la joojiyaa banaan.

