Kheyre oo sheegay inuu sameynayo hal arrin xitaa haduu xilka ku weynayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo inta badan ka hadlaya arimaha wadaniyadda iyo dal jaceelka ayaa si cad u sheegay inuu ka shaqeyn doono horumarinta Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in dalka uu kusoo kordhin doono in wax walbaa RUNTA uu ka sheegi doono xitaa haddii uu xilkiisa ku weynayo, isagoo sheegay in wax walbaa ay daacad ka yihiin.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in la is weydiin karo muxuu Xasan Cali Kheyre dalka kusoo kordhiyay, waxaan kusoo kordhin doonaa hortiina Ayaan imaanayaa runta Ayaan idiin sheegayaa xitaa hadii ay kalifeyso inan shaqayda ku waayo runtaa”ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dalka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in laga qaado halka ay maanta joogto oo aysan u baahneyn in lagu sii eegaa dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya muddada badan.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya muddada kooban ee ay xilka hayaan inaysan horumarin karin kaliya isaga iyo madaxda kale ee ka sareyso, balse wuxuu sheegay in loo baahan yahay isku duubni Soomaalinimo.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET