Madaxweyne Farmaajo: Wixii aan filayay kuma arag shirka London

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo ku sugan magaalada London oo uu uga qeybgali doono shir khuseeya arrimaha Somalia ayaa ka hadlay waxa uu ku arkay London.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaanu wali arag waxyaabihii uu ka filaayay gogol xaarka shirka waxa uuna carab dhabay in nabar ku taagan ay aheyd adkeynta go’aanada ay isla gaaren Madaxda maamul goboleedyada.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in wali uu adag yahay mowqifka Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo ay kuwada heshiiyeen hal mowqif.

Waxa uu sheegay inuu filaayay kala tag iyo isbedel ku imaada dhanka mowqifk madaxda ka socta maamul goboleedyada dalka, haseyeeshee ay xaaladu wali tahay mid caadi ah.

”Waxaan fileynay in isbedel uu ku imaankaro mas’uuliyiinta ka socda maamulada dalka, waxaan aad ugu faraxsanahay in wali lagu taagan yahay mowqifkii aan kusoo gaarnay Somalia.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ku baaqay in Somalia ay ka faa’iideysato fursadaha horyaal waxa uuna dhankiisa ka sheegay inay muhiim tahay in mar waliba caalamka lala hortago midnimo.

Haddalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xili magaalada London ay ka socdaan shirar ahmiyad u leh Somalia.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET