30.9 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Sawirro: Muqdisho oo saaka gashay jawi ka duwan subaxyadii hore

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa saaka ku jirto jawi ka duwan subaxyadii hore, waxaana magaalada lala dhex marayaa calanka Jamhuuriyada iyo sawirada dhalinyaradii SYL.

Waxaa magaalada dhexmaraya gaadiid kala duwanoo ay saaran yihiin dadweyne aad u badan kuwaasi oo ay u daaran tahay heesaha wadaniga iyo heesta calanka Soomaaliya.

Waxay dadka la camaasadeysan yihiin xuska 15 May oo ay maalinta la aasaasay ururka dhalinyarada SYL ee u soo dagaalamay xurnimada Soomaaliya.

Waxaa socdo xaflado la doonayo in lagu xuso 15 May oo maanta ku beegan, waxaana la filayaa inay kasoo qeyb galaan madaxda Dowladda Soomaaliya iyo dadweyne aad u badan.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News