Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa weli meel xasaasi ah marayo kiiska dilkii uu Darawalka Gaafoow u geystay mid kamid ah kaaliyaashii Maxkamadda Sare oo lagu magacabay Mursal.
Ninka dilka geystay ayaa la sheegay inay soo qabatay dowladda Soomaaliya, inkastoo dadkii laga dilay marxuumka ay ka dhawaajiyeen inuu weli ninkaan ku jir gacanta beesha uu kasoo jeedo ninka dilka geystay maadaama ay ahaayeen ciidamo ka tirsan dowladda oo beeshaas kasoo jeedo.
Arrintaan ayaa waxay gaartay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxaman Beyle iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay si gaar ah u khuseyso arrintaan.
Cabdiraxmaan Beyle ayaa codsaday in gacan ku dhiiglaha si toos ah loo soo geliyo gacanta dowladda isla markaasna laga soo bixiyo gacanta ciidamada Beesha ninka dilka geystay.
Wuxuuna dalbaday in maxkamad lasoo taago gacan ku dhiiglaha lana marsiiyo ciqaabta uu mudan yahay, wuxuuna Ra’isulwasaaraha ka codsaday inuu arrintaas faraha soo geliyo.
Dhanka kalana qoyska uu kasoo jeedo marxuumka geeriyooday ayaa isku khilaafsan waxa laga yeelayo gacan ku dhiiglahaha, waxayna kala qabaan laba aragto oo kala duwan.
Qoyska uu sida gaarka ah uga geeriyooday Marxuumka ayaa dalbaday in loo qisaaso gacan ku dhiiglaha, halka odayaasha kasoo jeedo Beesha Marxuumka ay soo jeedinayaan in hoose wax loo xaliyo isla markaasna diyo la kala qaado.

