26.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Xog-Warran: Kheyre oo mashruuc lagu dhisi rabay jidka Sodonka u wareejiyey wadada aado Dayniile

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sameeyey fal musuq maasuq ah oo ku aadan mashruuc lagu dhisi rabay jidka Sodonka oo soo bilowday xilligii Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid, Waxayna dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud dhacday iyadoo aan la dhameystirin saxiixa mashruucaas.

Heshiiska shirkaddaan loogu saxiixay inay dhisto jidka Sodonka ayaa marayey meel gabagabo ah, waxaana xafiiska Ra’isulwasaaraha la wareegay Xasan Cali Kheyre oo looga fadhiyey inuu dhameystiro saxiixa mashruucaas.

Mashruucaan ayaa wuxuu kasoo haray ballanqaadkii ay dowladda Turkiga u fidisay dowladda ee ahaa inay dhisi doonto dhammaan jidadka Muqdisho, wuxuuna jidka sodonka ahaa laamiga kaliya ee ka dhiman ballan qaadkaas, marka laga reebo midka warshadaha waxaayna shaqadaas dowladda turkiga u qabaneysay shirkadda En-Ez İnşaat.

Xogta ay heleyso Caasimadda Online oo weliba laga helay illo wareedyo aad loogu kalsoon yahay ayaa sheegeyso inuu Ra’isulwasaare Kheyre ku amray Shirkadda En-Ez İnşaat inay mashruuca lagu dhisi lahaa Jidka Sodonka u wareejiso jidcadaha aado degmada Dayniile ee tago ilaa isbitaalka Daynile, waxaana la doonayaa in halkaas la saaro laami.

Ra’isulwasaaraha ayaa dhameystirka mashruuca shirkaddaan meel dhexe u marayey ku xiray inay jidkaas u wareejiso, haddii kale wuxuu ku wargeliyey in Documentiyada ay iska yaali doonaan xafiiska Ra’isulwasaaraha sidaasna uu ku baabi’i doono mashruucaas.

Iskadaba wareeg iyo muran badan ka dib Shirkadda En-Ez İnşaat ayaa aqbashay inay mashruucii lagu dhisi lahaa jidka Sodonka u wareejiso jidka aadayo Deynile ee ka baxo jidka Warshadaha gaar ahaan agagaarka Eveco.

Shirkadda ayaa dhawaan bilaabi doonto dhismaha jidkaas uu Ra’isulwasaaraha ku amray, waxayna arrintaan noqoneyso musuq maasuqii ugu weynaa oo uu Ra’isulwasaare Kheyre ku dhaqaaqo, waxayna tallaabadaan dariishada ka saari doontaa hadalkii Ra’isulwasaaraha ee ahaa inay la dagaalami doonaan musuq maasuqa.

Dhawaan ayaan idinla wadaagi doonaa Inshaa Allah saxiixa Documentiyadaas oo aan howshooda wadno, sidoo kalana waan idinla socodsiin doonaa halka uu ku dambeeyo mashruucaan.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News