28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Galmudug oo xiriirka u jartay wasaarada waxbarashada dowladda Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Wasaarada Waxbarashada ee Maamulka Galmudug ayaa sheegtay in ay hakisay xiriirkii ay lala laheyd Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, kadib khilaaf soo ifbaxay.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada ee Maamulka Galmudug Abshir Cabdi Shiiqoow, ayaa sheegay in ay joojiyeen Wada shaqeyntii ay la lahaayeen Wasaarada Waxbarashada Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya in ay ka jirto maamul xumo baahsan, taasina ay sababtay inay xiriirka u jaraan ilaa amar dambe, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Galmudug aan wali la soo gaarsiin lacagihii loogu tala galay in lagu qaado imtixaanada Ardayda dugsiga Sare, sidaasi daraadeedna maanta aysan jirin meel kamid ah Galmudug oo imtixaanaadka laga qaadayo.

Waxa uu sheegay in ay si iskood ah u qaadayaan Imtixaanada isla markaana aysan waxbo ugu baahneyn Dowladda maadaama dhowr jeer sida uu sheegay ay u dacwoodeen.

Arinta ayaa imaaneyso iyadoo maanta Imtixaanaadka shahaadiga Dugsiga sare laga qaadayo qeyb kamid ah gobolada koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

- Advertisement -

Read more

Local News