Libya (Caasimada Online) – Ciidammada ilaalada xeebaha Talyaaniga, ayaa gurmad u fidiyay boqolaal Muhaajiriin la socday Dooni weyn oo kusii jeeday dalka Talyaaniga.
Ciidamada ayaa baadi-goob uu jira muhaajiriin kale oo lagu la’ yahay Badda kuwaa oo ay la qar-qantay Doonida xili ay marayeen xeebaha jasiiradda Lampedusa ee dalkaasi Talyaaniga.
Muhaajiriinta ayaa isugu jiray Soomaali iyo African kale waxaana gurmadka u fidiyay Maraakiibta Talyaaniga ee ku sugan Xeebaha dalkaasi.
Tahriibayaal farabadan oo isugu jira Soomaali iyo Africaan kale ayaa hore ugu geeriyooday badda Mediterenimka ee u dhaxeysa Liibayo iyo Italy.
Tirada muhaajiriinta u safarta Yurub ayaa hoos u dhacday tan iyo markii ay bilaabatay dhibaatada muhaajiriinta dabayaaqadii 2015, hasayeeshee in dadku ay ka soo tallaabaan badda ayaa weli ah mid dad badan ay adeegsadaan misana khatar ah.
Ma ay cadda dalalka ay u kala dhasheen muhaajiriintaasi ay la degtay doonidii ay saarnaayeen.