Riyadh(Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa amar kusoo rogtay dhammaan howlwadeenadeeda ka howlgala Garoomada diyaarada kuwooda caanka ah.
Dowlada ayaa amartay in baaritaanada lagu adkeeyo dhammaan muwaadiniinta kasoo jeeda dalka Qadar ee ka dhoofaaya Garoomada dalka, kadib markii ay sii xoogeystay xiisada Sacuudiga kala dhexeysa Qadar.
Dowlada ayaa amarkeeda ku sheegtay xitaa inuu saameynayo Diplumaasiyiinta iyo Hay’adaha Qadar ee ka howlgala gudaha iyo Gobolada dalka Sacuudiga.
Amarka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay inaan gudaha Sacuudiga lagu arki karin dhammaan Diplumaasiyiinta Qadar ee ka howlgala Sacuudiga, iyadoo la raacaayo amar kasoo baxay Aqalka dalkaasi looga arrimiyo.
Boqorka dalka Sacuudiga ayaa hirgalinta amarkaasi faray Gudi Wasiiro u badan oo ka shaqeynaaya fulinta amarada calaaqaadka loogu jaraayo dalka Qadar.
Talaabadaani ayaa sii xoojineysa xiisada Sacuudiga kala dhexeysa Qadar, waxaana qaboojinta xiisada ku fashilmay dowladaha Khaliijka ee aan qeybta ka aheyn xiisada.
Caasimada Online
Xafiiska Riydh
[email protected]