Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo uga digay in DF ay ku biirto xiisadaha u dhexeeya wadamada Khaliijka.
Guddoomiye Jawaari ayaa qiray in meel xun uu maraayo khilaafka ka dhex taagan wadamada Khaliijka, waxa uuna Madaxweynaha Somalia ugu baaqay inuu ka fiirsado xiisada Khaliijka.
Jawaari waxa uu carab dhabay in Somalia ay ku jirto xaalad aysan u garaabi karin mid kamid ah dowladaha uu khilaafka u dhexeeyo, waxa uuna meesha ka saaray in Somalia xiligaani ay faa’iido ugu jirto kamid noqoshada dowladaha uu muranka Siyaasadeed u dhexeeyo.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Somalia ay la gudboon tahay inay mowqif adag ka istaagto dowladaha qaniga ah ee isku eryinaaya Siyaasadaha gaarka ah ee aan khuseyn Somalia.
Waxa uu sidoo kale sheegay inay adag tahay in Somalia ay ku biirto xiisada, waxa uuna carab dhabay in dalalka ay xiisada u dhexeyso ay kamid yihiin kuwa ugu badan oo ay ku tiirsan tahay Somalia, marka la’eego deeqaha.
Sidoo kale, Jawaari waxa uu ka digay in DF ay ku kadsoomto dhambaalada kaga imaanaya dowladaha Sacuudiga iyo Qadar oo la rumeysan yahay in Somalia ay ku cadaadinayaan kamid noqoshada xiisada taagan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqaneysa in dowlada Qadar iyo Sacuudiga ay wufuud kala duwan usoo dirayaan Somalia si looga dhaadhiciyo inay xiriirka u jarto midkood.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]