Amman (Caasimada Online) – Dhaqalaha dalka Urdun ayaa la kulmay Khasaaro gaarayo ilaa laba Malyan oo Dollar tan iyo markii la xiray xuduudda dhulka ah ee Sacuudiga, markii la diiday inay ka gudbaan waxyaabaha loo wado Qatar asbuuci lasoo dhaafay kadib khilaaf weyn oo ka dhex curtay dowladaha Khaliijka.
Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa 5-ta Bishaan ku dhawaaqay inay xiriirka u jareyn dowladda Qatar isla markaasna ay kusoo rogeen xayiraad dhaqaale, dhanka kalana dowladda Urdun ayaa sheegtay inay hoos u dhigtay xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyo Qatar.
Illo wareedyo xog ogaal u ah dhaqaalaha Urdun ayaa tilmaamay inay hoos u dhacday Khudaartii iyo alaabtii ay Urdun usoo dhoofin jirtay dalka Qatar tan iyo markii xayiraada la saaray iyadoo hadda u badashay inay alaabta soo marsiiso hawada halka markii hore ay dhulka soo marin jirtay.
Dowladda Urdun ayaa hadda maalin kasta Qatar usoo dhoofiso Khadaar gaareyso ilaa 90 Tan, iyadoo xayiraada ka hor maalin kasta soo dhoofin jirtay 600 Tan, taasoo muujineyso inay hoos u dhacday wax ka badan 500 oo Tan.
Dowladda Sacuudiga ayaa diiday in xuduudeeda la mariyo 85 Baabuur oo xamuul ah oo Khudaar kasoo qaadi jiray Urdun, sidoo kalana waxay joojisay 10 Baabuur xamuul ah oo lagu soo qaadi jiray xoolo nool oo le geyn jiray Qatar.
Urdun ayaa hadda wado dadaalo iyo heshiisyo ay ku dooneyso in lagu joojiyo xayiraada ay Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn kusoo rogeyn Qatar.
Caasimada Online
Xafiiska Urdun
[email protected]