Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isal wasaaraha xukuumada Somalia Xassan Cali Kheyre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sicir bararka ka jira magaalooyin ka tirsan gobollada dhexe.
Ra’isul wasaaraha waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in sicirka uu ka kaco halkii uu taagnaa waxa uuna sheegay in Ganacsatada Soomaalida laga doonaayo inay la dhaqmaan shacabka ku nool duruufaha kala duwan.
Kheyre waxa uu sheegay in la doonayo in Ganacsatada ay dhankooda ka garab istaagan Shacabka, waxa uuna carab dhabay inay jiraan dhibaatooyin culus oo dhinaca dhaqaalaha iyo nolasha oo saameyn weyn ku yeeshay dadka ku nool Gobolada dalka qaar, sida magaalooyinka Beledweyne, Guriceel, Dhuusa-mareeb Caabudwaaq iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobollada dhexe.
Waxa uu Mr Kheyre cadeeyay in dowladu ay si dhow ula socto arimahan taagan waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in dowladu ay qaadi doonto talaabo.
Sidoo kale, Kheyre waxa uu carab dhabay shirkadaha waa weyn in ay la shaqeeyaan Dowladda, Baarlamaanka marka uu furmo in ay horkeeni doonaan sharciyo badan oo lagu xasilin doono arrinta canshuurta.
Geesta kale, Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in wax walba oo ay aaminsan yihiin ay qalad yihiin in ay u soo gudbiyaan Dowladda Soomaaliya, si wax looga qabto.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

