28 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Guddoonka BF iyo qaar ka mid ah xildhibaanada mooshinka oo shirar ku leh Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho kulamo khaasa ku leh Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan ”Jawaari”, Ku-xigeenadiisa iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Kulanka u dhexeeya dhinacyadaasi ayaa waxaa looga arrinsanayaa howlaha horyaal Golaha, Xiliga Kalfadhiga, waxyaabaha diirada lagu saarayo iyo Mooshinka Xukuumada ka yaalla.

Inta uu kulanka socday Guddoomiye Jawaari ayaa Warbixino kooban ka dhageystay labadiisa ku-xigeen taasi oo ku saabsan waxyaabihii ka danbeeyay mudada uu safarka ku maqnaa.

Jawaari iyo Ku-xigeenadiisa ayaa sidoo kale, si gaara uga wadahadlay arrimaha ku xeeran Mooshinka iyo sida loogu heli lahaa xal, waxa uuna Jawaari soo jeediyay in laga shaqeeyo sida looga gudbi lahaa howlaha Mooshinka.

Sidoo kale, Xildhibaanada ku sugnaa kulanka oo qaarkood kamid ahaa Mooshin wadayaasha ayuu ka dalbaday inay la imaadan isbedel si buu yiri looga gudbo caqabadaha horyaal Xukuumada.

Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili Guddoomiye Jawaari uu dib uga soo laabtay Fasax uu ugu baxay dalka dibadiisa.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News