31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

R/W Kheyre oo markii ugu horreysay ka hadlay wararka la xiriira mooshinka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka hadlay wararka la xiriira mooshinka ka dhanka ah, wuxuuna sheegay inuusan jirin Khilaaf uu ka dhex jiro Xukuumadda iyo Baarlamaanka Somalia.

Kheyre ayaa hadalkani ka sheegay kulan uu magaalada Kismaayo kula qaatay qeybaha bulshada, waxa uuna ka horcadeeyay inaanu jirin Khilaafka la buunbuuninaayo, waxa uuna taa bedelkeeda cadeeyay in wada shaqeyn wanaagsan u dhaxeyso labada Gole.

Kheyre waxa uu tilmaamay inaanu jirin sabab ay isku Khilaafan labada Gole, isla markaana Gole waliba uu yahay mid ku mashquulsan howlihii loo igmaday.

“Waxaan cadeynayaa inaanu jirin Khilaafka laga sheegay Baarlamaanka iyo Xukuumadda, ma jiraan wax Khilaaf ah oo ka dhex jira markii laga reebo wada shaqeyn joogta aha’

Dhawaan ayey aheyd goortii Sheekh Nuur Baaruud uu si dadban u bidhaamiyay in Xildhibaanada BFS ay ku kacsan yihiin Xukuumada isla markaana ay abaabulayaan Mooshin.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News