25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Gudoomiyaha Aqalka Sare oo digniin culus u diray xukuumada Kheyre

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia, Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa si adag uga hadlay faragalin la sheegay in Xukuumada Somalia ay ku heyso Garsoorka dalka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi C/laahi, oo faragalinta Xukuumada ka hadlay ayaa ka digay inay faragelin ku samayso Hay’adda Garsoorka ee dalka.

Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa sheegay in faragalinta ay muujineyso in la cuuryaaminaayo shaqada Garsoorka waxa uuna tilmaamay in DFS ay ka kooban tahay 3 qeybood oo kala ah ”Garsoorka, Baarlamaanka iyo Xukuumadda”.

Cabdi Xaashi C/laahi, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in Hay’ad weliba ay tixgaliso shaqada Hay’adda kale, si looga gudbo dhibaatada ku habsatay dalka.

”Xukuumada mar koowaad iyo mar labaadba waan kaga digeynaa inay kusii fogaato faragalinta ay ku heyso Garsoorka”

”Waxaa ka dalbaneynaa Xukuumadu inay madaxbanaani u ogolaato Garsoorka, haddii la waayo waxaa dhicikara in Hay’ad waliba ay qabato shaqada Hay’adda kale”

Sidoo kale, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia, Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa Ra’isul wasaaraha Xukuumada ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sida ay Xukuumadiisu kula imaan laheyd howlaha loo igmaday oo dhameystiran.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha ayaa cadeeyay in Aqalka Sare uu diyaar u yahay inuu tixgaliyo howlaha uu dalka u hayo Garsoorka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News