29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

DF oo lagu eedeeyay is moogeysiinta hal arrin oo fulinteeda laga sugaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa lagu eedeeyay inay ka jiifatay dadaaladii ay ku xalin laheyd xiisada colaadeed ee ka taagan Gobolada dalka.

Eeda ayaa waxaa dowlada Federaalka ah u jeediyay Guddiga dib u heshiisiinta Qaran, oo aan weli ku guuleysan xalinta dagaalada sii baahaya ee ka socda qaar kamid ah Gobolada dalka.

Guddiga ayaa sheegay inay wadaan waanwaan lagu joojinaayo dagaalada qabiilka u dhexeeya ee socda, balse aanu jirin garab ay ka helayaan madaxda ugu sareysa dalka.

Xoghayaha guddiga Dib u heshiisiinta Qaran C/casiis Qaliidi ayaa tilmaamay in ay aad uga xun yihiin ka guddi ahaan dagaallada soo cusboonaaday.

Xoghayaha wuxuu sheegay in dowladda Federaalka, Culimada, ganacsatada iyo waxgaradka waajib ka saaran yahay sidii looga qeybqaadan lahaa joojinta colaadaha, balse aanu jirin wax talaabo ah oo ay qaaden.

Xoghayaha waxa uu madaxda ugu sareysa dalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inaysan gacmaha ka laaban colaadaha ka jira dalka, ayna juhdi badan ku bixiso Dowladda sidii loo xalin lahaa colaadahaasi.

Sidoo kale, Xoghayaha waxa uu dowladda Federalka ka dalbaday inay wax ka qabato xalinta dagaal beeleedyada ka jira Gobolada dalka Somaliya, xilli Gobolada Galgaduud iyo Sh/dhexe colaad beeleedyo ay ka taagan yihiin.

Dhinaca kale, eeda kasoo baxday Guddiga dib u heshiisiinta Qaran ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay is ilowsiiyen xal u raadinta colaadaha taagan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska  Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News