Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa ku guuleysatay inay xal ka dhex abuurto Beesha uu kasoo jeedo Taliye ku-xigeenkii hore NISA ee Gobolka Banaadir Marxuum Ciise Jiijiile iyo Beesha ay kasoo jeedan Askartii dishay.
Dowlada Federaalka oo tan iyo wixii ka danbeeyay dilka Taliyaha ku dhex jirtay labada beel ayaa iminka ku guuleysatay xalinta colaadaha labada beel ee ka dhalan lahaa dilka Jiijiile.
Odayaasha Beesha Abgaal ayaa Askarta dishay Jiijiile ku wareejisay dhigooda Beesha Murusade oo iyagu horay ugu goodiyay in dilka Ciise Jiijiile uu noqon doono aano ama Askarta dishay la geyn doono sharciga.
Beesha Abgaal ayaa Beesha Murusade u gacan galisay Askarta dishay Jiijiile, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Beesha Murusade oo ah beesha laga dilay Taliye xigeenka ay cafisay Askarta.
Beesha Murusade ayaa sidoo kale la sheegay in beesha dhigeeda ah uga mahad celisay garashada ay kusoo dhiibeen Askarta dilka geysatay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa iminka la soo warinayaa in Askarta dilka geysatay ay yihiin kuwo helay xoriyadooda, kadib cafiskii loo fidiyay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]