Dowladda Soomaaliya oo wafdi u dirtay Jowhar si loo xaliyo khilaafka hareeyey Hirshabelle

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay soo faragelisay khilaafka halista ah ee ka curtay madaxda Hirshabelle kadib markii xildhibaano ay siyaabo kala duwan xilalka uga qaadeyn Madaxweynihii Hirshasbelle iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Jowhar u diray wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa oo uu wehliye Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar islow.

Wafdigaan ayaa la filayaa inay goor dhow gaaraan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabelle oo maalmihii dambe isku badashay meel xilalka la isaga xayuubiyo.

Wafdigaan ayaa la filayaa inay isku keenaan qeybaha is khilaafsan isla markaasna xal waaro laga gaaro khilaafkaan cirka isku shareer ee keenay in siyaabo kala duwan xilal la isaga qaado.

Baarlamaanka Hirshabelle ayaa u kala jabo laba koox oo midi taageersan tahay madaxweynihii xilka laga tuuray halka garabka kale ay taageersan yihiin isaga.

Dowladda Soomaaliya oo muddo ka aamusneyd khilaafkaan ayaa markii ugu horeysay go’aansatay inay kala dhex gasho kooxahaan.

Lama qiyaasi karo sida ay dowladda Soomaaliya ugu fududaan doonto inay khilaafkaan damiso, maadaama uu yahay khilaafkii ugu horeeyey oo noociisa ah ee ka dhex curta Maamulada ka jiro Soomaaliya, wuxuuna xoogaa kasii daran yahay arrintii ka dhacday Galmudug, balse farqiga u dhaxeeyo wuxuu yahay inuu Cabdikariin Xuseen Guuleed aqbalay xil ka qaadistii lagu sameeyey halka Cosobole uu ku gacan seeray.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah.