27 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Amar ka dhan ah Hubka oo lagu soo rogay dadka magaalada Beledweyne

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online)-Maamulka Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday inay mamnuuc tahay in Hub lagu dhex wato gudaha magaalada.

Maamulka ayaa sheegay in xarig iyo ciqaab uu mudan doono qofkii lagu dhex arkaa magaalada isagoo wata Hubka noocyadiisa kala duwan.

Maamulka ayaa tilmaamay in aan Shacabka loo ogoleyn in ay qaataan hub oo Magaalada ay kula dhex maraan.

Amarka lagu mamnuucay Hubka ayaa waxaa Saxaafada la wadaagay Gudoomiyaha Magaalada Baledweyne, Aadan Axmed Xeefow.

Aadan Axmed Xeefow, ayaa shacabka uga digay inay qaatan Hubka, waxa uuna wacad ku maray inuu dhibaato la kulmi doono shaqsigii lagu helaa Hub.

Waxa uu Aadan Axmed Xeefow tilmaamay in Hubka loo ogolyahay keliya ciidamada ammaankana, iyadoo wixii intaa kasoo hara ay ku xirmi doonaan, sida uu hadalka u dhigay Aadan Axmed Xeefow.

Waxaa uu sheegay in cid aan ka tirsaneyn Ciidamada Ammaanka in aysan Magaalada ku dhex qaadankarin hub, maadaama uu sheegay in la doonaayo in la xaqiijiyo Ammaanka Magaalada.

Geesta kale, ciidamada amaanka ayaa la faray inay gacanta ku dhigaan shaqsiyaadka Hubeysan ee dhex socda magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News