27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo mar kale isku afgartay siideynta Maxaabiis uu ku jiro Boqorka Bartamaha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay qortay wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Dhiggiisa Dalka Itoobiya   Hailemariam Desalem kala hadlay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiista Soomaaliyeed oo ku harsan xabsiyada Dalkaasi, kuwaasi oo uu kamid yahay Wariye Max’ed Aweys Muuddey (Boqorka Bartamaha).

Warar laga helayo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  ayaa lagu sheegay, in Ra’’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu  Khadka teleefoonka kula hadlay raiisul Wasaaraha Itoobiya, waxaa ayna mas’uuliyiintani ay siweyn uga wada hadleen ahmiyadda ay leedahay sidii ay xoriyadoodi dib ugu heli lahaayeen maxaabiista Soomaaliyeed, ee weli kujira xabsiyada dalkaasi Itoobiya.

Hailemariam Desalem Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa aqbalay codsiga uga yimid dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay isgarab taaga Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in todobaadyada soo socda Muqdisho laga soo dejin doono Maxaabiis horay Maxkamadaha Itoobiya u xukumeen oo ku jira xabsiyada dalkaas.

Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) oo 50 sano-jir ah ayaa laga xiray Addis Ababa bishii November, 2013, iyadoo lagu eedeeyay waxa loogu yeeray inuu ka qeyb qaatay fal argagaxiso, waxaana habka su’aallo weydiintiisa loo cuskaday sida uu qabo sharciga la dagaalanka argagaxisada ee Itoobiya, waxaa lagu xukumay muddo 27 sano oo xabsi ah.

 Dhawaan ayaa Dowladda Itoobiya waxay ku soo wareejisay Dowladda Soomaaliya maxaabiis tiradooda ay kor u dhaafeyso 140 qof, kuwaasi oo haatan kusugan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

 

- Advertisement -

Read more

Local News