27.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Xildhibaano katirsan BFS oo kulamo degdega ka leh go’aanka Golaha Wasiirada ay ka qaaten Qalbi Dhagax

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Kulamada ay wadaan Xildhibaanada ayaa waxaa looga soo horjeeda go’aanka ay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia ka soo saaren dhiibitaanka Sargaalka ONLF C/Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa madaxda Jabhada ka dagaalanta dalka Ethiopia ee ONLF.

Xildhibaanada oo aad u farabadan ayaa ka shiraaya go’aanka degdega leh oo ay Xukuumada ka qaadatay dhiibitaanka Qalbi Dhagax oo aad looga hadal hayo baraha bulshada.

Xildhibaanada horboodaya kulamada ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Axmed ”Abuukaato”oo ka tirsan BFS oo sheegay in kulamada ay ka socdaan Hotel kuyaala magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Abuukaato ayaa xaqiijiyay in Xildhibaanada kulamada ka leh go’aankaasi ay gaarayaan in ka badan 60-Xildhibaan.

”Waxaa arrin lama filaan nagu noqotay go’aanka kasoo baxay Golaha Wasiirada, waxaan u taaganahay inaan jawaab cad ka bixino go’aankaasi oo aan xal u helno ficilka degdega lahaa ee lagu dhiibay Qalbi Dhagax”

Golaha Wasiirada ayaa sheegay in dhiibistii Dowladda Federalka Somalia ay dhiibtay C/kariin Qalbi Dhagax inay aheyd heshiis horay labada Dowladood ay u kala saxiixdeen, taasi oo uu saxiixay Mahad Salaad oo horay u ahaa Wasiiru Dowlihii Madaxtooyadda Dowladii Xasan Sheekh.

Si kastaba ha ahaatee, kiiska Qalbi Dhagax oo muddooyinkaan dambe hareeyay Dowladda Federalka Somaliya ayaa ugu dambeyn Dowladda maanta banaanka ay soo dhigtay fekerkii ay ka qabtay arintaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News